Faah-faahin Qasaaraha Dagaalkii Ka Dhacay Xaafadda Haanta-dheer Ee Muqdisho +COD

Dagaalkii ka bilowday Xaafada haantadheer ee Magaaladda Muqdisho habeenki xalay ahaa ayaa soo gaaray barqanimadii maanta kaa oo u dhaxeyey ciidamo ka tirsan Milatariga Dowladda Somaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaas.

Warar kala duwan ayaa kaso baxaya qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inkastoo aan si dhab ah loo ogeen hadana dadka degaanka ayaa ku waramaya in ugu yaraan hal ruux oo shacabah in uu ku dhintay dagaalkaasi sided kalana ay ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay xaafada hanta dheer ee muqdisho.

Ciidanka xasilinta caasimada oo waayadii dambe hub ka dhisgis ka waday Gobolkan Banaadir ayaa habeenimadi xalay weerar ku qaday xaafada haanta dheer walina majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakisha dowlada oo ku aadan dagaalki ka dhacay hanta dheer ee muqdisho,.

Dhanka kale Saraakiil uu kamid yahay Jeneraal Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka dhacay waxayan halkaas ka wadaan sidii qaboojin lahaa xiisadda taagan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook