FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Manchester United Vs Everton

Manchester United ayaa isha ku heysa inay sii wadato guulaha ugu horeeya xilli ciyaareedkaan Premier League marka ay martigelineyso caawa kooxda Everton.

Kulanka ka dhacaya Old Trafford waxaa isha lagu wada heyn doonaa weyne Rooney oo ka hor imaan doona kooxdiisii hore ee Manchester United, halka Lukaku uu wajihi doonaa kooxdiisii hore ee Everton.

Gooldhaliyihii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa ku soo laaban doona garoonka kooxdiisii hore markii ugu horeysay tan ku biiristiisii kooxda Toffees.

Kabtankii hore ee England ayaa si wanaagsan ula bilowdaay koxdiisa cusub ka dib markii uu laba gool dhaliyay bilowga xilli ciyaareedkaan Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka: Old Trafford

Saacada: 06:00 PM

MAXAA CUSUB?

Paul Pogba oo uu dhaawac kasoo gaaray muruqa kulankii FC Basel ee Champions League ayaa seegi doona kulanka caaawa, isagoo sidookale muddo hal bil ah ka maqnaan doona garoomada.

Xiddigii hore ee Everton Marouane Fellaini ayaa lagu bedelay Pogba kulankii Basel, markaasoo uu shabaqa soo taabtay laacibka Belgium

Tababaraha United ayaa durbadiiba xaqiijiyay in Eric Bailly iyo Phil Jones ay kusoo laaban doonaan line-upkiisa, halka Victor Lindelof iyo Chris Smalling keydka loo celin doono.

Everton ayaa weli waxaa ka maqan ciyaartooyda mudada dheer ka dhaawacan ee Ross Barkley, Ramiro Funes Mori, Yannick Bolasie iyo Seamus Coleman.

Morgan Schneiderlin ayaa kula biiri doona Rooney dib ugu laabashada Old Trafford, ciyaaryahanka reer France ayaa 47 kulan u saftay United ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Everton.

Tababare Koeman ayaa la filayaa inuu isbedel ku sameeyo line-upkiisa, iyadoo Jordan Pickford, Cuco Martina, Ashley Williams, Idrissa Gueye, Davy Klaassen iyo Sandro Ramirez loogu yeeri dooona safka koowaad.

XAQIIQADA KULANKA

Manchester United ayaa badisay 18 kulan waxaana laga badiyay kaliya hal kulan 24kii kulan ee ugu dambeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Everton.

Labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore wada ciyaareen labadaan koox ayaa kusoo dhammaatay barbaro min 1-1, laakiin waligood saddex kulan oo xiriir ah kuma dhameysan barbaro horyaalka Premier League.

Manchester United lagama badin 32 kulan oo gurigeeda ku ciyaartay tartamada oo dhan, waxayna badisay 21 kamid ah.

Haddii Romelu Lukaku dhaliyo gool caawa waxa uu noqon doonaaa weeraryahankii afaraad ee ugu da’da yaraa ee gara 90 gool Premier League, ka dib Wayne Rooney, Michael Owen iyo Robbie Fowler.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Man Utd: De Gea; Valencia, Bailly, Jones, Darmian; Matic, Fellaini, Mata, Mkhitaryan, Rashford; Lukaku

Everton:Pickford; Keane, Williams, Jagielka; Holgate, Davies, Gueye, Schneiderlin, Baines; Sigurdsson, Rooney

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook