Galmudug oo soo dhaweysay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle

Iyadoo maanta codbixin ka dhacday magaalada Jowhar loogu doortay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa arintaas ka hadlay maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee ka hadlay doorashadan soona dhoweeyey isagoo hambalyo u diray madaxweynaha cusub, isagoo soo saaray war-saxaafadeedka hoos ku qoran:-

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya
Dowlad Goboleedka Galmudug
Xafiiska Madaxweynaha

WAR SAXAAFADEED

Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay hambalyo udireysaa Madaxweynaha cusub ee Dowlada Goboleedka Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waraare loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlada Goboleedka Hirshabelle oo manta lagu doortay magaalada madaxda maamulkas ee Jowhar.

Sidoo kale Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku dhiirigalineysaa Madaxweynaha cusub ee Dowlada Goboleedka Hirshabelle in uu hogaan adag u noqdo soona dadajiyo golaha xu kuumada Hirshabelle.

Ugu danbayntii Dowlada Galmudug waxa ay markasata ku faraxsanatahay soona dhaweyneysaa midnimada Lagabada Gobol Hiiraan iyo Shabellada dhexe oo ay ka dhalatay Dowlada Hirshabelle oo aan aaminsanahay, in dhabar adeeg iyo isu tanaasul lagu soo dhisay ,waxaana laga rajeynayaa inay dooran doonaan hogaan wanaagsan oo u hurseeda shacabka reer Hirshabelle Horumar xaga Amniga , siyaasadda , Dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook