Gormee la caleema saari doonaa Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle ?

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cusmaan Maxamed Barre ayaa shaaciyay in Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle la caleemo saari doono 27 Bishaan.

27-da Bishaan ayaa ku beegan Khamiista soo socota teeda kale,waxaana uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle in Mas’uuliyiin ay kasoo qeyb gali doonaan Caleemasaarka.

Doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle way soo dhamaatay, waxaana Madaxweynaha Hirshabeelle Noqday Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa horay ula tartamay madaxweynihii xilka laga qaadayCali Cabdullaahi Cosoble.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Waare uu helay 74 cod halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod, waxaana codeeyay 97 Xildhibaan.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle oo muddo ka yar sanad xilkaasi haayay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook