Imaam Laga Yaqaano Muqdisho Oo Ka Cabanaya In Dhul Boob Lagu Hayo +COD

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa xanibay dhaq dhaqaaqii Ganacsi qaar ka mid ah Goobo ganacsi oo kuyaaalla Wadada Soddonka Ee Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka DFS ay dadkaasi ka rareen oo ay sheegeen inay tahay meelo si sharci daro ah dadkaasi udhisteen.

Imaam Bashiir Salaad Dhoola yare oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay in dhul boob aan loo meel dayin lagu hayo.

Waxa uu sheegay in lagu soo xad gudbay oo si sharci ah loogu soo marin xayiraada goobahooda ganacsi la saaray isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay hore Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale Madaale xukunkiisii loogu ansixiyey goobahoodii ganacsi.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook