Kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Gaalkacyo +COD

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kulan ku yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray amniga guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo, waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan iyo Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

Magaalada Gaalkacyo dhowaan waxaa heshiis dhanka amniga ah ku kala saxiixday maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen labada Madaxweyne ku xigeen ee maamuladaasi.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook