Liverpool oo garoonkeeda Anfield barbaro kala kulantay Burnley+SAWIRRO

 

Kooxda Burnley ayaa ku adkeysay naadiga Liverpool kulankii Premier League ee dhawaan ku soo dilaaday garoonka Anfield, kaasoo lagu kala baxay barbaro 1-1.

27’daqiiqo Reds ayaa looga naxsaday goolka hore waxaana kubbad loo dhigay isagoo jooga afka hore ee goolka dhinac dheer oo uusan goolhayuhu gaarin ka dhigay Scott Arfield, Liverpool oo gurigeeda joogta ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Laakiin saddex daqiiqo kaddib goolkaas markii ay saacaddu ahayd 30’daqiiqo Liverpool ayaa ka jawaabtay goolkaas waxaana goolka barbaraha ka dhaliyey Burnley Mohamed Salah kaddib caawin uu ka helay Emre Can, sidaas ayaana loogu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay labada kooxood ayaa dhowr fursadood oo goolal loo filan karay isku helay, iyadoo goolhayaha Watford ee Nick Pope uu ahaa geesiga garoonka kaasoo fursado badan ka beeniyey xiddigaha Reds, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 1-1.

NATIIJOOYINKA KULAMADII KALE EE LA CIYAARAY EPL:-

Crystal Palace 0 – 1 Southampton

Huddersfield Town 1 – 1 Leicester City

Newcastle United 2 – 1 Stoke City

Watford 0 – 6 Manchester City

West Bromwich Albion 0 – 0 West Ham United.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook