Maraykanka oo dadkiisa uga digay iney booqdaan Kenya

Maraykanka ayaa dadkiisa uga digay inay booqdaan dalka Kenya oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan rabshado la xariirada doorashada ku celiska ah ee lagu wado in ay ka dhacdo dalkaasi bisha soo socota ee Oktoobar.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay qataro dhinaca amniga ah oo ay Al-shabaab ka geysan karaan Lix gobal oo Kenya ka tirsan iyadoo ka digtay iney booqdaan goboladaas.

Wasaaradda Arimaha dibadda Maraykanka ayaa ku wargelisay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi inaysan u safrin Kenya ka hor doorashada ku celiska ah cabsi laga qabo rabshado ka dhashay doorashada ku celiska ah.

Degaanada looga digay iney booqdaan dadka Maraykanka ah ayaa kala ah Mandera, Wajeer, Garissa Tana River, Lamu iyo qeybo ka mid ismaamulka Kilifi sababtuna waxaa lagu sheegay in gobaladaasi ay ka taagan qatar amni.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook