Maxamed Cabdi Waare oo noqday Madaxweynaha Hirshabelle +Sawirro

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle lagu doortay Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, kadib doorasho xiiso badneed ay ku tartameen ilaa sideed Musharax .

Madaxweynaha Hirshabelle waxaa loo doortay Maxamed Cabdi Waare oo helay codad gaaraya 74 cod halka Musharaxii ay ku tartamayeen wareegii ugu dambeeyay Doorashada Daahir Cabdulle Cawaale uu isna helay 23-cod.

Hoolka doorashada ayaa mar qura waxaa is qabsaday sacab lagu taageerayo Madaxweynaha la doortay ee Hirshabelle, waxaana hoolka doorashada ku sugan Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Waare ku guuleestay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, waxaana isla goobtaasi lagu dhaariyay Madaxweynaha la doortay.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ah aqonyahan kasoo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Waare looga guuleestay doorashadii sanadkii hore ka dhacday Jowhar.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook