Maxay Aheyd Sababtii Uu Morata U Diidey Manchester United?

 

Weeraryahankii hore ee kooxda kubada cagta Real Madrid Alvaro Morata ayaa ka sheekeeyey Sababtii uu ugu biiri waayey Manchester United una doortay Kooxda uu hada u Cayaaro ee Chelsea.

Alvaro Morata oo Waraysi siiyey Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in uu doonayey ku biiritaanka Manchester United intii uusan Tilifoon ka soo wicin Macalinka dalka Talyaaniga ee Antonio Conte kaas oo u sheegay in uu dhankiisa u soo Wareego.

Xiddigaan ayaa intaa ku daray in uu kooxdiisa Cadaadis ku Saarayey in deg deg looga iibiyo Manchester United isla Markaana uu diidey Tababarka Real Madrid balse uu fikirkiisa badalay Markii uu ku calaacalay Macalin Antonio Conte kana aqbalay in uu kooxda London u soo dhaqaaqo.

Manchester United ayaa lawareegtay Romelu Lukaku.intii uusan Alvaro Morata ku biirin kooxda Chelsea Waxayna sheegeen in Macalin Jose Mourinho uu doorbidayey Romelu Lukaku.intii uu soo qaadan lahaa Alvaro Morata balse Weeraryahanka dalka Spain ayaa sheegay in uu isagu diidey ku biiritaanka Man United kana doortay Chelsea markii uu Codsaday Macalin Antonio Conte.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook