Max’ed Yuusuf Tigey oo is casilay Xubinimadii Guddiga Taakuleynta ciidanka Qaranka

Xubin ka tirsanaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidamada qalabka sida ayaa shaaciyey inuu casilay.

Max’ed Yuusuf Tigey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyey is casilaadiisa, ka dib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam la’aan sida uu warka u dhigay.

Tigey ayaa noqonaya xubintii labaad oo iska casila Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, tan iyo markii uu Guddigan ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo bishii July ee sanadkan.

Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga ayaa labo cisho ka dib shaaciyey inuu shaqadaas iska casilay sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.

Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada ayaa waxaa Guddoomiye u ah Jen, Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sidoo kale Guddigan ayaa waxaa xubin ka ah 13 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, aqoonyahano iyo dad bulshada magac ku leh.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook