Maxkamada sare ee Masar Xukun Kama dambeys ah ku riday Maxamed Mursi

 

Maxkamadda Sare ee Racfaanka Dalka Masar ayaa shalay xukun kama dambeys ah oon racfaan dambe laga qaadan karin waxa ay ku riday Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi

Maxkamada ayaa mar kale ku riday Madaxweynihii hore Masar xukun xabsi daa’in ah oo horey loogu riday, Maxkamada ayaana laga jeediyay eedeymo dhoowr ah oo lagu helay Madaxweyihii hore ee Masar.

Dacwad oogayaasha Dowlada ayaa ku eedeesay Maxamed Mursi intii uu talada dalka Masar hayay in uu sirta Qaranku lahaa u gudbiyay dpowlada Qadar oo la sheegay in xariir weyn kala dhaxeeyay.

Dhinaca kale Maxkamada sare ee Racfaanka dalka Masar ayaa xukun dil ah ku riday sadex xubnood oo kamid ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxa ayna Maxkamada ay xubnahan ku eedeesay dambiyo kala duwan.

Madaxweynihii sida sharciga loo doortay ee Maxamed Mursi ayaa xabsi la dhigay sanadkii 2013-kii kadib markii dowladiisa ay afgambiyeen Milatariga, waxaana hada Mursi ugu dambeyn lagu riday Xukun Madaxaa haku furto ah oo inta noloshiisa ka dhiman xabsiga ku qaadan doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook