Paul Merson Oo Saadaaliyay Inay Chelsea 3-0 Ku Duban Doonto Arsenal

 

Isbuucaan horyaalka Premier League waxaa la ciyaarayaa kulamo xiiso leh oo ay ka mid ah tahay kulanka London Derby oo ay Chelsea garoonka Stamford Bridge Axada ku soo dhaweyn doonto kooxda Arsenal. Halka isla Axada uu garoonka Old Trafford ku laaban doono Wayne Rooney oo markaan xiran maaliyada Everton.

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca ee horyaalka Premier League ee ay ka mid yihiin labadaas kulan ee adag ee la ciyaarayo maalinta Axada.

Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhaweyn doonta galabnimada Sabtida kooxda Burnley iyagoo rajeynaya inay ka soo kabsadaan guuldaradii 5-0 ee isbuucii hore ka soo gaartay Manchester City, waxaana Paul Merson uu saadaaliyay in kooxda Jurgen Klopp ay 2-0 ku badin doonto.

Manchester City oo qaab ciyaareed fiican ku riyaaqeysa ka dib guushii weyneyd ee ay ka gaartay Reds iyo guushoodii Champions League ayaa Sabtida u safreysa kooxda Watford, waxaana xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay ku badin doonaan 2-0.

Kulanka Axada ugu weyn ee Stamford Bridge ku dhexmaraya Chelsea iyo Arsenal waxaa cajiib aheyd in Paul Merson uu ka soo horjeestay kooxdiisa hore isagoo saadaaliyay in Blues ay 3-0 ku xaaqi doonto kooxda tababare Arsene Wenger.

Natiijo taas la mid ah ayuu saadaaliyay in Manchester United ay ku soo dhaweyn doonto xiddigeeda hore Wayne Rooney oo hogaaminaya isbuucaan kooxda Everton.
SAADAASHA PAUL MERSON:

CAAWA

Bournemouth 2-1 Brighton

SABTI

Crystal Palace 1-1 Southampton

Huddersfield 1-2 Leicester

Liverpool 2-0 Burnley

Newcastle 1-1 Stoke

Watford 0-3 Manchester City

West Brom 1-0 West Ham

Tottenham 3-0 Swansea

AXAD

Chelsea 3-0 Arsenal

Man United 3-0 Everton

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook