Qaramada Midoobay oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya looga hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle oo lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay ka guuleestay Daahir Cabdulle Cawaale.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Madaxweynaha cusub laga doonaayo in uu waxbadan ka qabto xaaladda cakiran ee degaanada maamulka Hirshabeelle.

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday in dhammaan dhinacyadda kunool Hirshabeelle in ay aqbalaan Natiijadii uu kusoo baxay Maxamed Cabdi Waare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook