Qarax goor dhow ka dhacay magaalada London +Sawirro

 

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay Qarax goor dhow lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.

Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof oo dhaawacya qaba, iyadoo Booliska la dagaallanka argagixisada ay sheegeen inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay fal argagixiso.

Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaano ku aadan qaraxaas iyo sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeeyey sida ay sheegayaan saraakiisha Booliska.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook