Romelu Lukaku Wuxuu Ciyaari Doonaa Ilaa Iyo Inta Zlatan Ibrahimovic Soo Laabanayo

Jose Mourinho ayaa u sheegay Romelu Lukaku inuusan siin karin Nasiino ilaa Zlatan Ibrahimovic uu ka soo laabanayo dhaawaca jilibka ah ee uu kaga maqan yahay garoomada.

Lukaku ayaa ciyaari doona kulankiisii 12aad ee xilli ciyaareedkan marka la isku daro wadankiisa iyo kooxdiisa kulanka galabta Crystal Palace ku qaabilayaan garoonka Old Trafford.

Jadwalka culus ee uu ku ciyaaray weeraryahanka 75 milyan ee ginni ku fadhiya ayaa sabab u ah dhaawaca Manchester United uu kaga maqan yahay Zlatan Ibrahimovic.

Laakiin Mourinho ayaa sheegay inuu u baahan yahay Lukak oo dhaliyay 10 gool sagaalkiisii kulan ee ugu horeyay kooxda inuu ciyaaro kulan kasta ilaa inta uu kasoo laabanayo Zlatan Ibrahimovic.

“Hadii aan Zlatan helno, Rashford wuxuu ciyaarayaa boosas kale” ayuu yiri Mourinho oo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Crystal Place.

“Ilaa iyo xilligaan waxaan ka fakireynaa inaan nasiino siino No.9 aad ee kooxda, laakiin suurta gal nooma ahan ayuu hadalkiisa ku daray Jose Mourinho.

Mourinho sidoo kale ma weydiisan doono tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez inuusan isticmaalin Lukaku kulamada isreebreebka Koobka Adduunka, inkastoo xulkiisa ay xaqiijiyeen in ay usoo baxeen koobka adduunka 2018ka.

“Xulka Belgium waxaa mas’uul ka ah macalin Roberto, waana go’aankiisa haddii uu ciyaarsiinayo iyo haddii kale ayuu saxaafada u sheegay Jose Mourinho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook