Sadio Mane Oo Bisha January Ku Biiraya Barcelona

Liverpool ayaa wajaheysa dagaal ay ku celineyso xiddiga garabka ka ciyaara ee Sadio Mane, sida ay sheegayaan wararka.

Mane oo 25 jir ah ayaa cadeeyay inuu yahay mid kamid ah ciyaartooyda muhiimka u ah Liverpool tan iyo markii uu kaga soo wareegay Southampton £ 34million xagaagii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mirror, kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa xiiseynaya saxiixa Sadio Mane.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay inuu xagaagan kooxdiisa kusii hayo Philippe Coutinho oo bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona.

Reds ayaa diiday dalab £ 70million, £ 90m iyo £ 118m oo ay kooxda horyaalka La Liga ku dooneysay Philippe Coutinho oo loo arkayay bedelka Neymar oo ku biiray Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa sheegeysa inay dagaal adag kala kulmayaan Liverpool kooxaha ka dhisan Yurub kuwaasoo xiiso u qaba Mane.

Kooxaha ku xifaaltama La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona iyo kooxda horyaalka Serie A ka dhisan ee Juventus ayaa dhamaan soo bandhigay damaca ay ka leeyihiin Sadio Mane.

Mane ayaa seegay kulankii kooxdiisa barbaraha 1-1 kula galeen Burnley garoonka Anfield ka dib markii ganaax seddex kulan ah la saaray.

Liverpool ayaa isku dayday inay racfaan ka qaadato ganaaxa Mane, laakiin waxay ku fashilmeen codsigii ay ugudbiyeen FA-ga.

Ciyaaryahanka reer Senegal ayaa xilli ciyaareedkaan cusub ku bilowday qaab ciyaareed wanaagsan, isagoo dhaliyay seddex gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Sadio Mane qandaraaska uu kula jiro kooxda Liverpool waxa uu dhacayaa xagaaga 2021.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook