Sarkaal caan ah oo lagu dhaawacay Boosaaso

Waxaa caawa lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Sarkaal ka tirsan Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Saleeban.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku weeraray Maxamed Cali Saleeban meel aan ka fogeyn xarunta Maxkamada darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso.

Dhaawaca taliyaha ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Boosaaso oo hadda lagu daweynayo, lamana oga xaaladiisa iyo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca loo geystay.

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howgalo ay ku baadi goobayaann kooxihii weerarka geystay oo goor horeba halkaas ka baxsaday.

Masuuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Puntland ayaa horey loogu dilay weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso, kuwaasoo intooda badan masuuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook