Shan caruur walaalo ah oo ku le’day dab qabsaday +SAWIRRO

Shan caruur ah oo hal qoys ka soo wada jeeda ayaa ku naf waayey dab ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno gaar ahaan aagga dalxiiska ee magaalada Kismaayo.

Carruurtan oo kan ugu weyn 6 sano jir ahaa midka ugu yarna uu naaska nuugayay ayey hooyadood oo u shaqo tagtay waxay dusha kaga xirtay guriga si ay u nabad-galaan.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka ka kacay maanso ka dhalatay koronto dulmareysay guriga oo sababtay inuu dab qabsado, waxaaana aad u yaraa gurmadka halkaas ka jiray ee dabka lagula tacaalayey.

Hooyada carruurta dhashay ayaa geerida ciyaalkeeda 5-ta ah lagu wargeliyay iyadoo ku maqan shaqo yar oo dhar-dhaqid ah si ay uga soo saarato nolol maalmeedka ubadkeeda.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan, ayaa booqday Qoyska uu naafeeyay dabka ka kacay gurigooda.

Arrintan ayaa noqotay murugo iyo Uurku taalo fara badan oo saameysay intii goob jooga u aheyd shilkaas, waxaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Kismaayo.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook