Sirta Ku Duugan Weerarkii Ciidamada Xasilinta Ee Nawaaxiga Dayniile

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa weerar xooggan waxay ku qaadeen saakay halka loo yaqaano Haanta dheer oo ay sheegeen iney hub kusoo qabanayeen, hase ahaatee arrinta ayaa sidaasi iska bedashay.

Warar si hoose loo helay waxay sheegayaan in la bartilmaameesanayey hub badan oo ay Muqdisho ku haysatay Beesha Habargidir, walibana ay gacanta ku hayaan ciidan ka tirsan dowladda oo ugu shaqeeya dowladda.

Weerarka dagaalkaan waxaa amray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga oo ka faa’ideysanaya muran siyaasadeedka xilligaan kala dhaxeeya beeshan.

Hase ahaatee dagaalkii dhacay waxaa ku dhintay wiilal Soomaaliyeed oo Labada dhinacba waxay ahaayeen kuwo dalka iyo dadka difaacayey.

Arrintaan muran xooggan ayaa hadda ka taagan, waxaana si kulul uga carioodey weerarkaan taliyaha xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook