Somaliland Amniga dadka u dhashay Qowmiyada Oromada oo aad loo adkeeyay +COD

Saraakiisha iyo Ciidamada amaanka ee Maamulka Somaliland ayaa lagu amray in ay sugaan amniga dadka u dhashay Qowmiyada Oromada ka dib cabsi soo wajahday dadkaasi.

Saraakiisha iyo Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale lagu amray in ay tagaan goobaha ganacsiyada ay ku leeyihiin dadkaasi si xaalad qatar ah aysan u dareemin.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in dadka u dhashay Qowmiyada Oromada la nabadgeliyo, isaga oo Ciidamada Soomaaliland amray in dadkaas ammaankooda ay ka warqabaan.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in dadkaasi inta ay ku sugan yihiin degaanada Somaliland in amnigooda ay masuul ka yihiin.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook