Taageerayaasha FC Cologne oo doonaya in ay Xoog ku galaan Garoonka Emirates +SAWIRRO

Waxaa isku dhacay Ciidanka amaanka Garoonka kooxda Arsenal iyo Taageerayaasha Naadiga dalka Jarmalka ee FC Cologne kadib markii ay isku dayeen in ay Tigid la aan ku galaan Garoonka.

FC Cologne ayaa waxaa soo raacay Taageerayaal kabadan 20,000 kuwaas oo badankoodu aysan haysan Tigidhadii ay ku geli lahaayeen Garoonka Waxayna isku dayeen in ay qasab ku dhaafaan Ciidanka amaanka Garoonka Emirates Stadium.

Afhayeen u hadlay booliska Magaalada london ayaa sheegay in Taageerayaasha kooxda dalka Jarmalku ay Weerar ku qaadeen Ciidanka amaanka Garoonka Emirates Stadium kuwaas oo uu sheegay in gacan bir ah lagu qabtay waxaa kaloo uu xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyo labada dhinac ah.

Kulanka labada kooxood ayaa dib loo dhigay mudo Saacad ah si loo xaliyo Rabshadaha ka socda Garoonka banaankiisa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook