Tababare Jose Mourinho Oo Walaac Ka Muujiyay Dhaawaca Paul Pogba

 

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Paul Pogba uu qaadan doono waqti dheer, waxaana uu diiday inuu waqti gaaban ku soo laaban karo kooxdisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray kulankii kooxdiisa 3-0 kaga badiyeen kooxda Basel laba Isbuuc ka hor.

Special One ayaa qiray in Pogba uu kusoo laabanayo garoomada waqti dher kadib, inkastoo kooxdiisa ay xaqiijisay in lix todobaad ama ka badan uu maqnana karo.

Mourinho ayaa yiri: “Ma ciyaari karo Pogba, dhaawaciisa muddo dheer ayuu qaadan karaa ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxaa jira walaac ah in dhaawaca uu ka xun yahay sidii aan fileynay markii hore oo aheyd inuu soo laaabto 5 November.

Waxaa macquul ah in Pogba uu kusoo laabto kooxda Manchester United kulanka 18ka November wajahayaaan kooxda Newcastle.

Waxaa laga cabsi qabay in xiddiga qadka dhexe uu u baahan yahay qalliin islamarkaana uu ka maqnaan doono muddo bilo ah garoomada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook