Taliyaha Nabad sugida iDegmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo laweraray

 

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuciisa lagu sheegay NOAH ayaa goordhaw weerar waxa ay ku qaadeen Gaari uu la socday taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa gaariga a wateen ku horjaray gaari uu la socday Taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda xili uu marayay Xaafada Xoosh ee Degmada Dharkeeley.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu ku dhaawacmay Taliyihii Nabad sugida ee Degmada Kaxda sidoo kale uu ku dhintay askari la socday taliyaha la weeraray.

Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidanka ka qaadeen dhaawaca sargaalkan katirsanaa Nabad sugida iyo askariga dhintay.

Weerarada loo adeegsado gaadiidka ayaa kusoo badanaya degamada Dharkeeley ee gobolka Banaadir, waxaana isbuucii lasoo dhaafay labo weerar oo gaadiid loo adeegsaday ka dhaceen Degmada Dharkeenley.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook