TOOS U DAAWO Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo Socota

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ay ku tartamayaan 8-Musharax oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa shaaciyay in doorashada Madaxweynaha ay bilaatay, waxaana codkii ugu horeeyay doorashada dhiibtay Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiga dooarshada.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ku sugan hoolka doorashada ka bilaabatay, kuwaa oo ka qeyb galaya doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, waxaa sidoo kale magaalada jooga Guddi iyana qiimeyn doona doorashada.

Amaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta doorashada ka socoto ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo ciidanka dowlada oo si weyn amaanka u adkeenaya.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xalay ilaa saakay waday ololihii ugu xooganaa ay ku kasbanayaan codka Xildhibaanada wax dooranaya, waxaana jira Musharaxiinta qaar in ay lacago ku bixinayaan helitaanka codadka Xildhibaanada.

Waxaa wali adag in la saadaaliyo Musharaxa ku guuleesanaya doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, waxaana jira Musharaxiinta qaarkood in ay taageero ka helayaan dowlada Dhaxe, Siyaasiiiin iyo ganacsato.

Hoolka Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ay ka dhaceyso ayaa si weyn loo diyaariyay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan doorashada Madaxweynaha ay si rasmi ah uga bilaabato magaalada Jowahr.

Halkan ka AKhriso 8-da Musharax ee tartamaya

1- Yusuf Hagar Daba-geed

2- Cabdi Faarax Laqanyo

3- Daahir Cabdulle

4- Maxamed Cabdi Waare

5- Cabdinasir Shirwac Maxamed

6- Maxamed Caruush

7- Cabdiraxmaan Xuseen Cadow

8- Cabdikarim Cali Nuur

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “TOOS U DAAWO Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo Socota”

  1. Bashir Farah says:

    Hambalyo Madaxw. WARRE;
    Maashaa’allaahu waxaa la doortay MW heer sare ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook