Tottenham oo ku ag kuftay Swansea City +SAWIRRO

Kooxda Tottenham waxay ku dhiban tahay xili cayaareedkan kulamada EPL inay garoonka Wembley guul ku gaarto.

Spurs kulankeedii ugu dambeeyay waxay bar bar dhac 0-0 la dhaafi waayeen naadiga Swansea City kulan lagu kalsoonaa inay garoonka Wembley guusha kowaad EPL ku gaari karaan.

Harry Kane iyo saaxiibadiisa waxay dhaafi waayeen jeebad uu u dhigay macalin Paul Clement oo xidigahiisa Swansea si adag u shaqeeyeen.

Tottenham kulankaan siweyn ayay ugu gacan sareesay ayadoo kubada heesatay 75% balse macalin Pochettino xidigahiisa natiijada dhinac waa u ridi waayeen.

Waa markii sedexaad taageerayaasha Tottenham kasoo qul quleen garoonka weyn Wembley ayagoo wax guul ah gaarin kooxdooda xili cayaareedkan kulamada EPL.

Sedexda kulan Spurs ku cayaartay Wembley labo dhibcood ayay ku heshay waxay bar bar dhac kula gashay Burnley iyo Swansea halka Chelsea ay guuldaro kala kulmeen.

Tottenham 5-kulan EPL cayaartay waxay leedahay 8-dhibcood ayadoo ku jirto booska 5-aad halka Swansea City isla 5-kulan ay cayaartay horyaalka ay heesato 5-dhibcood waxayna ku jirtaa kaalinta 14-aad.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook