UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Xiddigihii Dhibcaha Ugu Badan Lagu Helay Isbuucaan Champions League

UEFA ayaa soo saartay shaxda kooxda isbuuca ee Champions League Fantasy Football ee dhibcaha ugu badan lagu helay kulamadii koowaad ee wareega group-yada Champions League iyadoo uu ka maqan yahay Lionel Messi oo guul weyn ku hogaamiyay kooxda Barcelona kulankii ay Juventus ee habeenkii Talaadada.

Dhanka goolka ee shaxda isbuuca ee ay UEFA soo saartay waxaa ku jira goolhayaha kooxda AS Roma Alisson kaasoo fursado ciidaas ka badan badbaadiyay kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ku qabteen kooxda Atletico Madrid, islamarkaana isbuucaan Champions League Fantasy Football lagu helay 9 dhibcood.

Afarta daafac ee danbe, labo ka mid ah waa xiddigaha kooxda Chelsea Zappacosta oo gool qurux badan dhaliyay islamarkaana wacdarro dhigay iyo Azpilcueta oo isna si weyn uga qeyb qaatay guushii ay Chlesea ku xasuuqeen Qarabag.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku ku jira wadnaha daafaca ka dib goolkii labaaleyda ahaa ee uu ka dhaliyay APOEL halka daafaca Man City John Stones uu isna shaxda ku muteystay labadii gool ee uu ka dhaliyay Feyenoord iyo shabaqa uu ilaashaday.

Afarta daafac waxaa dhibcaha ugu badan lagu helay isbuucaan John Stones oo 18 dhibcood lagu helay, halka seddexda daafac kale lagu helay 12 dhibcood.

Seddexda khadka dhexe waxaa soo gashay xiddiga Bayern Munich Kimmich oo ka qeyb qaatay guushii ay Bayern Munich ka gaartay Anderlect, xiddiga Olympiakos Pardo oo dhaliyay labo gool xilli danbe isagoo bedel ku soo galay iyo Fellaini oo guul ku hogaamiyay Manchester United, waxaan mid walba ciyaarta Champions League Fantasty Football lagu helay 11 dhibcood.

Dhanka weerarka seddexda weeraryahan ee isku biirsaday waxa ay dhaliyeen min labo gool, kan hore waa xiddiga PSG Edinson Cavani oo labo gool ka dhaliyay Celtic, ciyaaryahanka Tottenham Harry Kane oo labo jeer shabaqa ka soo taabtay Borussia Dortmund iyo xiddiga Real Madrid oo labo gool ka dhaliyay APOEL.

Messi ayaa in kastoo uu labo gool dhaliyay kulankii ay Barcelona ka badiyeen Juventus hadaba dhibcihiisa Champions League Fantasy Football ay ka hoos mareen seddex xiddig ee hore, kuwaasoo gooldhalintooda ka sakow dhibco ku helay fursadihii ay abuureen.

SHAXDA ISBUUCA EE CHAMPIONS LEAGUE FANTASY FOOTBALL

Goolhaye Alisson (Roma)

Difaaca:  Zappacosta (Chelsea), Stones (Manchester City), Sergio Ramos (Real Madrid), Azpilicueta (Chelsea)

Khadka Dhexe: Kimminch (Bayern), Pardo (Olympiacos), Fellaini (Manchester United)

Weerarka:  Cavani (PSG), Kane (Tottenham) and Cristiano Ronaldo (Real Madrid).

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook