Warbixin Jaaliyada jubbaland Oslo +SAWIRRO

kulan ay yeesheen Gudiga jaaliyada kana dhacay xafiiska jaaliya ee Oslo ayaa waxaa looga hadlay.

1-wixii u qabsoomay jaaliyada
2-waxa mustaqbalka la rabo in la qabto
3- Xiligii Gudiga xilka loo doortay oo gabo gabo ah iyo sidii doorasho loo qaban qaabin lahaa.

Shirkan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Jaaliyada Liibaan shuuriye ayuu sheegay dadaal dheer kadib in ay jaaliyadu isku filnaansho buuxdo gaartay wax badana ay u qabsoomeen
diyaarna u tahay in ay degaanka horumarkiisa ka qayb qaadato. waxaa kaloo halkaa ka hadlay afhayeenka jaaliyada Mo Ismail Jirac isagoo sheegay in bisha oktober la qaban doon shikii guud ee jaaliyada halkaana lagaga hadli doono qodobada kor ku xusan oo faah faahsan
Gaba gabadii waxaa Tacsi loogu diray ehelkii ciidamadii ku dhintay weeraradii argagixisa ay ku qaadeen xeryaha ciidamada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook