ANcelotti oo Bedeli doona Macalin Wenger

Sida laga soo xigtay Mediaset Premium, Carlo Ancelotti oo laga ceyriyay shaqada kooxda Bayern Munich ayaa doonaya inuu bedelo macalin kooxda Arsenal Arsene Wenger.

58 jirkaan ayaa waxaa shaqada ka ceyrisay kooxda Bayern Munich ka dib markii uu qasaaro 3-0 kala kulmay PSG kulan katirsanaa tartanka Champions League.

Inkastoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda AC Milan, Ancelotti ayaa go’aansaday inuu nasto inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegtay in kaliya shaqada Arsenal uu u baahan yahay macalinka Italy haddiii uu dib ugu soo laabanayo xirfada macalinimo.

Arsene Wenger ayaa heshiis labo sanno ah u saxiixay kooxdan ku ciyaarta Emirates dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qiray inuu ka tagi karo shaqada kadib cadaadis kaga yimid jamaahiirta kooxda.

Ancelotti ayaa labo sanno ku qaatay kooxda London ka dhisan ee Chelsea, markaasoo uu kula guuleystay Horyaalka iyo FA Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay Premier League.

Carlo Ancelotti ayaa ku kalsoon inuu la qabsan karo shaqada tababarnimo ee kooxda Arsenal haddii uu ku laabto kubada cagta Ingariiska.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook