Arjen Robben Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya Inuu Ka Dambeeyo Ceyrintii Carlo Ancelotti

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa dhaleeceeyay hababkii shaqo ee tababare Carlo Ancelotti ka dib markii la ceyriyay todobaadkii hore.

Ancelotti ayaa laga eryay kooxda heysata horyaalka Jarmalka ka dib markii guuldarro 3-0 ah kala kulmay kooxda Paris Saint-Germain Isbuucii lasoo dhaafay, laakiin Robben ayaa meesha ka saaray in xiddigaha kooxda lagu eedeeeyo ceyrintiisa.

Warar kasoo baxay Jarmalka ayaa lagu sheegay in ciyaartoyda Bayer Munich qaar kamid ah ay ka dambeeyeen ceyrintii Ancelotti, inkastoo Robben uu beeniyay wararkaas.

“Dhamaanba xaalad degdeg ah ayaan kujirnay, waxaa jiray wax badan oo muuqday, xigashooyinka warbaahinta wax micno ah malahan,” ayuu ciyaaryahanka reer Netherlands u sheegay NUsport.

“Waan necbahay marka arrimahan oo kale ay dhacaan laguna eedeeyo ciyaaartooyda, waxaan ahay qofkii ugu dambeeyey ee lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa ceyrinta tababaraha ayuu hadalkiisa ku daray Robben.

Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo booska ka banaan Allianz Arena.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook