Barcelona Oo Kulankii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku Ciyaari Doonta Taageerayaal La’aan

Kooxda Barcelona ayaa kulankii labaad oo horyaalka La Liga ah isla markaana xidhiidh ah aan ku hor ciyaari doonin taageerayaasha kooxdeeda kadib kulankii Las Palmas ee Camp Nou. Barcelona ayaa kulankii Camp Nou ee Las Palmas waxay ku hor ciyaartay garoonkeeda Camp Nou oo madhan kadib markii ay maamulka kooxdoodu arimo amaanka awgii ah u go’aansadeen in kulankaas lagu ciyaaro garoon madhan iyada oo maamulka La Liga iyo booliiska Catalonia ay diideen in kulankaas la kansalo.

Laakiin kulamada siddeecaad ee horyaalka La Liga ayay Barcelona booqan doontaa garoonka Ateltico Madrid ee Wanda Metropolitano stadium waxayna markale kooxda Valverde ciyaari doontaa iyada oo aanu hal taageere kooxdeeda ahi garoonka soo fadhiyin.

Barcelona ayaa war saxaafadeed ay soo saartay isla markaana ay kula hadashay jamaahiirta kooxdeeda waxay ku cadaysay in kooxda Atletico Madrid ay kansashay tikidhadii ay u qorshaysay jamaahiirta martida ah ee Barcelona ee ciyaartoyda kooxdooda u raaci lahaa garoonka cusub ee Wanda Metropolitano stadium, waxayna Barcelona jamaahiirta kooxdeeda ku war galisay in ayna jirin tikidho ay dalban karaan.

Qoraalka Barcelona ay taageerayaasheeda kula hadashay ayaa lagu yidhi: “Atletico de Madrid ma bixin karto tikidhadii ay hore ugu deeqday taageerayaasha Barcelona ee kulanka La Liga ee sabtida October 14, sidaa daraadeed, dhamaan taageerayaasha kooxda kubbada cagta barcelona codsigii tikidhada ee kulanka sarre ku xusan waa la kansalay”.

Atletico Madrid ayaa ku cabatay in ay dhibaato ka haysato dhinaca maamulida taageerayaasha ee garoonkeeda cusub Wanda Metropolitano stadium taas oo sabab u noqotay nin Barcelona ay kulankii labaad oo xidhiidh ah ay La Liga ku ciyaarayso taageero la’aan laakiin kooxda Valverde ayaa iyada oo Camp Nou oo madhan ku ciyaaraysa waxay guul wayn ka soo gaadhay Las Palmas.

Barcelona ayaa marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah waxay isku diyaarin doontaa kulanka ugu adag ee ay ilaa hadda xili ciyaareedkan ka ciyaarayso horyaalka La Liga iyada oo soo wada guulaysatay todobadii kulan ee ugu horeeyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook