Bayern Munich Oo doonaysa Tababarihii Hore Ee Barcelona Luis Enrique

Sida laga soo xigtay wariyaha reer Spain ee Juanma Romero, Bayern Munich ayaa la xiriirtay tababarihii hore ee kooxda Barcelona Luis Enrique si uu ugu bedelo Carlo Ancelotti.

Sanadkiisii ​​ugu horreeyey ee uu macalin u ahaa Barcelona, ​​Enrique ayaa kooxda ku hogaamiyay seddex koob oo waaweyn, taasoo ka dhigneyd inuu jabiyay rikoorkii Pep Guardiola ka sameeyay Blugrana.

Enrique waxa uu leeyahay shakhsiyad xoogan oo uu ku maamuli karo kooxda ka dhisan dalka Germnay ee Bayern Munich, sida uu aaaminsan yahay saxfiga Juanma Romero.

Magacyada ugu weyn ee lala xiriirinayo shaqada kooxda Budusliga ayuu kujiraa, iyadoo maamulka ugu sareeya kooxda ay la xiriireen macalinkaan reer Catalon.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay sidookale wadahadal kula jirto Thomas Tuchel, kaasoo laga ceyriyay shaqada kooxda Borussia Dortmund xili ciyaareedkii hore.

Laakiin shaqsiga kaga dhaw waa macalinkii hore ee kooxda Barcelona Luis Enrique, kaasoo xiriir toos ah ay la sameeyeeen mamaulka kooxda Bayern Munich.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook