Goolhaye Buffon oo caawa kaligii ku ciyaari doona naqshadda cusub ee maaliyadda xulka qaranka Talyaaniga

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa caawa soo bandhigi doona qanshadda maaliyaddooda cusub marka ay caawa wajahaan FYR Macedonia, taasoo uu gaar ahaan u xiran doono goolhaya Gianluigi Buffon.

Maaliyaddan cusub ayaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay magaalada Torin, waxaana layaab noqontay inuu goolhaye Buffon uun uu xirto funaanadda, maaddaama dib loo dhigay midda laacibiinta kale.

Funaanaddan ayaa sidata loogada xulka qaranka Talyaaniga oo iyana todobaadkii hore wax laga badaley.

Wararku waxa ay intaa ku daryaan in xiddigaha kale ee xulka qaranka Talyaaniga ay iyaguna fursad u heli doonaan inay ku dheelaan maaliyaddan, marka ay 9-ka bishan October la ciyaari doonaan dhiggooda Albania.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook