Imaaradka oo hada Lagu wareejinayo Dekdda Boosaso

Munasabad lagu wareejinayo Dekadda Boosaso ayaa hada ka socota gudaha Dekada Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo Masuuliyiin ka socda shirkada la wareegaysa Dekada Boosaso ee DP WORLD ayaa fadhiya Munasabada lagu wareejinayo Dekada Boosaso.

Warar ay Warbaahinta Wardoon.net ay helayso waxa ay sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goordhaw lagu wado in uu ka soo dago Garoonka Diyaradaha Boosaso in ka soo qeybgalo Munasabada wareejinta Dekada Boosaso.

Amaanka Dekada ayaa aad loo adkeeyey waxana gudaha iyo banaanka Dekada aad ku arkaysaa ciidamo kala duwan oo sugaya Amaanka Dekada Boosaso.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u saxiixay heshiiska dhismaha iyo dibu habeynta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450M.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook