Jahwareer ka taagan habkii loo baahin lahaa kulanka Man United iyo Leicester City

Waxaa jira in TV ga Caanka ah ee Sky Sports in uu Weydiistey Kooxaha Manchester United iyo Leicester City in ay badalaan xiliga Caadiga ah ee loo qorsheeyey in ay dhacdo Cayaartaas sabab dhanka fasaxa Waxa loo yaqaan Ciida Kirishtaanka ah.

Maamulka Sky Sports ayaa ka codasaday labada kooxood in ay 24 Saac ka soo hor mariyaan waqtiga Caadiga ah ee ku qoran jidwalka kulankooda kaas oo ah in labada kooxood Cayaarayaan 23 ka bisha December xiligaas oo shaqaalaha TV ga iyo Maamulkuba galeyaan fasaxa Ciida kirishtaanka.

Sidoo kale Maamulka Horyaalka Premier League ayaa sheegay in aysan suurta gal Nooqon doonin Codsiga TV ga Sky Sports maadaama dhanka farsamada aysan suurgal ahayn in lasoo hor mariyo Cayaartaas oo ah mid aad u adag.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ayaa sida ku qoran jidwalka u Safri doona Garoonka King Power Stadium bisha December 23 keeda balse TV ga baahiya Cayaaraha Horyaalka England ee Sky Sports ayaa doonaya in 24 Saac lasoo hormariyo Cayaartaas oo hadii ay dhacdo ku soo beegmeysa Habeen Jimce ah in ladheelo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook