Jose Mourinho” Horyaalka Premier League weli uma bilaaban kooxdeyda

Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Kooxdiisa uusan weli u bilaaban Horyaalka Premier League dalka England balse ay sugayaan xiliga uu u bilaaban doono.

Jose Mourinho oo kooxdiisu qayb ka tahay Hogaanka Horyaalka Xiligaan kadib markii ay badiyeen 6 Cayaarood bareejana ay galeen 1 Mar ayaa hadalkaan waxa uu ula jeedaa in kooxdiisu aysan weli lacayaarin koox weyn ayna kabadiyeen Naadiyada ugu hooseeya.

Manchester United oo u muuqata mid ka Wanaagsan sidii xiligii lasoo dhaafay isla Markaana Gaartay guulo muhiim ah ayaa Macalinkeeda Mourinho aaminsanyahay in 14 ka bishaan uu u furmi doono Horyaalka Premier League Xiligaas oo ay lacayaari doonaan Liverpool oo ka mid ah kooxaha ugu adag ee ka Cayaara Horyaalka Ingiriiska.

Mourinho oo Waraysi siiyey Saxafiyiin xili uu fasax Gaaban ku tegay dalkiisa Portugal ayaa sheegay in Horyaalka dalka England Xiligaan Naadiga ugu cad cad uu yahay Manchester City oo uu ku amaanay qaab Cayaareedka layaabka leh ee ay soo bandhigeen Waxaase uu yiri isma dhigan doonto Manchester United oo ku dagaalamai doonaan ilaa daqiiqada ugu danbeysa Xili Cayaareedkaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook