Jose Mourinho Oo Xasarad Ka Dhax Abuuray Xulka Qaranka England

Jose Mourinho ayaa markale ay isku dhaceen tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate, kaasoo xulkiisa u magcaabay laacibka dhalinyarada ah ee Manchester United Marcus Rashford.

Tababaraha Old Trafford ayaan dooneyn in xiddiga Manchester United Rashford loo isticmaalo labada kulan ee isreebreebka Koobka Adduunka xulka England ciyaarayaan Isbuucaan.

Xulka England ayaa wajihi doona Slovenia ciyaar ka dhici doonta Wembley maalinta berri ka hor inta aysan u safrin Lithuania kulankooda ugu dambeeya Group F axada.

Guul ay ka gaarto Slovenia ayaa xaqiijin doonta inay kooxda Southgate usoo baxdo boooskeeda kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Mourinho ayaa walaac ka muujiyay xaalada dhaawac ee Rashford, waxaana uu ku dooday inuu u baahan yahay waqti uu ku nasto.

United ayaa kulan adag oo Premier League ah ku wajaheysa Anfield kooxda Liverpool, Mourinho ayaana rajeynaya in Southgate uusan ku deg degin isticmaalka Rashford.

Rashford ayaa ku dhow inuu kusoo bilowdo kulanka Slovenia kadib markii uu ku lug yeeshay lix gool labadii kulan ee ugu dambeeyay kooxdiisa iyo wadankiisa xilli ciyaareedkan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook