Jurgen Klopp oo u Wareegaya Bayren Munich

Macalinka xiligaan ee kooxda kubada cagta Liverpool Jurgen Klopp ayaa lasheegayaa in uu aqbalay heshiis ay usoo bandhigtay Naadiga weyn ee dalkiisa Bayern Munich kooxdaas oo baadi goob ugu jirta Macalinkii badali lahaa Carlo Ancelotti oo ay dhawaan shaqada ka cayriyeen.

Jurgen Klopp ayaa lasheegayaa in uu Xiliga soo socda la bilaaban doono Bayren Munich kadib markii laga dhaadhiciyey in uu katago Liverpool waxaana uu aqbalay heshiis 3 Sano ah oo Maamulka Bayren Munich u soo bandhigeen.

Cayaaryahankii hore ee Xulka qaranka Jarmalka Cristoph Metzelder, ayaa warbaahinta u sheegay in Macalin Jurgen Klopp uu diidey in uu Xiligaan lawareego Jagada Macalinnimo ee Naadiga ku dheela Allianz Arena.balse uu aqbalay in marka uu dhamaado Xiligaan uu iska casilo Xilka Liverpool lana wareego Bayren Munich.

Ninkaan u dhashay dalka Jarmalka ee Jurgen Klopp ayaa tan iyo Markii uu ku soo biirey Liverpool u qaadin Wax koob ah iyada oo lafilayey in uu ka bixin doono kooxda ku dheesha Anfield Road sidaa daraadeed ayuu u soo gaabin doonaa qandaraaska uu kula jiro ee dhici lahaa marka lagaaro Sanadka 2022 ka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook