Kalidou Koulibaly oo bixiyay lacagtii xidigaha Senegal Hotel-ka ku joogeen

Daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly ayaa la sheegay inuu bixiyay lacagtii ay xidigaha xulka Senegel Hotel-ka ku joogeen markii ay kulan saaxiibtinimo la cayaareen xulka Nigeria!

Kulankaan saaxiibtinimo Senegal waxay 1-1 la galeen Nigeria cayaar ka dhacday London bishii Maarso ee bilwgii sanadkaan waxayna xidigaha reer Senegel ku fagteen jeebka Kalidou Koulibaly!

Wargeyska Il Matino ayaa sheekadan lala yaabay banaanka soo dhigay in xiriirka Senegel bilawgii sanadkaan si dhib badan qarashka diyaarada cayaartooyda kaga dhiibeen laakiin markii London la yimid qarashaad kale la waayay kadib Kalidou Koulibaly uu dabaray dhamaan cayaartooyda iyo macalimiinta Senegel intii ay Hotel-ka joogeen qarashka ku baxay.

Kalidou Koulibaly ayaa sheegay in Master Card-kiisa uu lacagta ka bixiyay kuna caawiyay saaxiibadiisa kadibna ay dib kasii siiyeen xiriirka Senegal qarashkii uu bixiyay.

Wargeyska Il Matino ayaa sheegay in cayaartooyda Senegal aad u niyad jabsan yihiin midaasna sababi karto in cayaartooyda ay xiriirka Senegal gabi ahaanba ka aamin baxaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook