Kolo Toure Oo Loo Magcaabay Tababare Ku Xigeenka Ivory Coast

Daafacii hore ee Arsenal, Liverpool iyo Manchester City Kolo Toure ayaa loo magacaabay shaqada tababare ku xigeen ee xulka qaranka Ivory Coast.

Xiriirka kubadda cagta Ivory Coast ee loo soo gaabiyo (FIF) ayaa ku dhawaaqay in Toure uu la shaqeyn doono macalinkii hore ee xulka qaranka Belgium Marc Wilmots.

36 jirkaan ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta, waxaana uu door biday inuu shaqo macalinimo ka bilaabo kooxda Celtic.

Ciyaaryahan ahaan, Toure ayaa ka caawiyay Ivory Coast inay ku guuleystaan Koobkii Qaramada Afrika ee sannadkii 2012kii.

War saxaafadeed kasoo baxay xiriirka FIF ayaa lagu yiri: “Waxa uu noqon doonaa kaaliyaha tababaraha xulka Marc Wilmots.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook