kubadda lagu ciyaari doono xilliga qaboobaha horyaalka Premier League oo la shaaciyey +SAWIRRO

Waxaa la shaaciyey sawirrada sida ay u eg tahay kubadda lagu dheeli doono waqtiga qaboobaha horyaalka Premier League, xilligaas waa marka ay saacaddu isbedesho 29-ka bisha October, kooxaha ayaana ku dheeli doona kubaddan midabka Jaalaha u badan yahay.

Shirkadda farsameysa qalabka Isboortiga ee Nike ayaa naqshadeysay kabaddan oo magaceeda la yiraahdo Ordem V waxaana qiimahooda uu gaaraya 100 gini.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxaha Premier League ay durbaba dalbadeen inay ku tababartaan kubadahaan ka hor inta aan la bilaabin in lagu ciyaaro Todobaadyada soo socda.

Dhinaca kale horyaallada La Liga iyo Serie A ayaa iyagana kubbad la mid ah midaan ku ciyaari doona bilaha lagu jiro qaboobaha si kubadda looga dhex arko barafka mararka qaar qariya garoomada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook