Manchester City oo weli xiisoU Qabta Laacibka Barcelona Lionel Messi

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo halis ah la leedahay xiddiga Barcelona Lionel Messi ka hor inta aysan dalab ka gudbin bisha Janaayo.

Sannadkii hore, Messi ayaa la sheegay inuu heshiis la gaaray kooxda reer Catalan, laakiin xiddiga reer Argentina ma uusan saxiixin warqadaha heshiiska.

30 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Camp Nou waxa uu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkaan, iyadoo weli aan la isku fahmin qandaraaska cusub.

Sida laga soo xigtay jariiradda AS, City ayaa diyaar u ah inay ka faa’iideysato mustaqbalka aan la hubin ee weeraryahanka Argentina.

Manchester City ayaa dooneysa in ay ku dhameystirto heshiiska ciyaaryahankaan reer Argentina lacag € 400m ah marka la gaaaro sanadka cusub.

Inkastoo Messi iyo qoyskiisa ay ku faraxsan yihiin Spain iyo Barcelona, haddana wax walba ayaa dhici kara ka hor bisha Janaayo sida warbixinta lagu xusay.

Messi ayaa ku bilaawdaysi wanagsan xilli ciyaareedka cusub, isagoo dhaliyay 13 gool 9 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook