Maraykanka iyo Israel oo shaaciyey iney ka baxeen Ururka UNESCO

Dowladaha Maraykanka iyo Israel ayaa sheegay inay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay u xagliso Falastiiniyiinta.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaaraankii ku waajibay ee ururkan la siin jiray kaga jawaabtay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.

Madaxa UNESCO Irina Bokova ayaa ka xumaatay go’aankaas, waxaana la sheegay in go’aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo qiyamka iyo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha UN-ka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook