PSg nus oo darsin goolal ku xaaqday Bordeaux +SAWIRRO

Kooxda PSG ayaa bandhigeeda wacan wadato waxayna 6-2 ku dubteen naadiga Bordeaux kulan ka tirsanaa Lique 1-ka France.

Sedexleyda weerarka aan kala dhicin Neymar, Edinson Cavani iyo Kylian Mbappé ayaa shabaqa soo taabteen cayaar PSG ku bar baratay naadiga Bordeaux.

Neymar ayaa labo gool dhaliyay kulankaan wuxuuna dhaliyay daqiiqadaha 5-aad iyo 40-aad sidoo kale Cavani ayaa daqiiqada 12-aad goolkiisa dhashtay halka Mbappe daqiiqadii 58-aad uu goolkiisa diiwaan gashtay.

Julian Drexler oo dhawaanahan kursiga keedka saaxiib la noqday ayaa isagana shabaqa soo taabtay daqiiqadii 45-aad halka daafaca garabka midig Muenier isagana goolkiisa dhashtay.

PSG guusha weyn gaartay waxay ka dhigan tahay inay hogaanka horyaalka France la wareegeen waxayna leeyihiin 22-dhibcood ayagoo 8-kulan cayaareen waxayna hogaanka 3-dhibcood kaga hayaan naadiga Monaco.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook