Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo digniin xoogan udiray Cabdi Iley

Dowlada Ethiopia ayaa digniin culus u kala dirtay dhammaan madaxda is maamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii lagu eedeeyay inay ololinayaan xiisada colaadeed ee kala dhexeysa Qowmiyada Oromada.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan doonin fariimaha colaadeed oo madaxda is maamulka hawada u mariyaan Qowmiyada.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Addis Standard ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay si gaara u dhaliishay Madaxa Isgaarsiinta ee Maamulkaasi, Idris Ismaaciil Cali, kaasi oo la sheegay in bartiisa Facebook-ga uu si joogta ah ugu qoro fariimi naceyb iyo colaad ka dhex abuuri kara labada is maamul Goboleed.

Waxaa wargeyska lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay digniin taa lamid ah u dirtay Hogaamiyaha is maamulka Cabdi Iley, oo la faray in si degdeg ah uu ku qaboojiyo xiisada, isla markaana qaado talaabo looga hortagaayo kuwa dira fariimaha colaada abuura.

Waxaa lagu xusay in fariimaha lagu qoro baraha Bulshada ay yihiin kuwo ka hor imaanaya digniintii ay Dowladda Ethiopia ugu baaqday dhamaan labada dhinac inay joojiyaan wax kasta oo hurin kara dagaal kale.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay qaadi doonto talaabo adag oo lagu ciqaabi doono madaxda labada dhinac, waa haddii aynu dhicin xasilooni.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda is maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa dagaalka lagula jiro Oromada u rogay dhanka Saxaafadda iyo qeybaha kale oo ay kuwada xiriiraan bulshada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook