Robert Lewandowski Oo U Dabaal Dagay Qalin Jabintiisa Jaamacada +SAWIRRO

Robert Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu cabsi badan dunida kubadda cagta, laakiin weeraryahanka Bayern Munich aya dhanka kale heer sarre ka gaaray waxbarashada.

Axadii, waxa uu xulkiisa ka caawiyay in ay 4-2 ku garaacaan xulka Montenegro, markaasoo xulkiisa ay xaqiijiyeen booskooda Koobka Adduunka 2018.

24 saacadood ka dib guushii weyneyd ee xulkiisa Lewandowski ayaa ka qalin jabiyay jaamacada waxbarashada ee Warsaw, isagoo culuunta Isboortiga ka qaatay shahaadada koowaad.

29 jirkaan ayaa sideed gool oo horyaalka Bundesliga ah dhaliyay xilli ciyaareedkan, waxaana ay ku dagaalamaayaan gooldhalinta Bundesliga weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

School of Education in Sport oo ku yaala magaalada Warsow ayuu muddo kamid ahaa Robert Lewandowski oo hadda qaatay shahaadada heerka koowaad ee jaamacada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook