Sadaasha kulanka Liverpool & Man United

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa bixiyay saadaashiisa ku aadan kulamada sideedaad (8-aad) ee horyaalka Premier League, waxaana isha lagu hayay saadaashiisa kulanka ugu weyn isbuucaan ee dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Kulanka ugu xiisaha badan uguna faca weyn ee kubada cagta Ingariiska ayaa ka dhici doona Sabtida garoonka Anfield markaasoo ay Reds soo dhaweyn doonto kooxda Red Devils iyadoo ay iska horimaan doonaan Jurgen Klopp iyo Jose Mourinho.

Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa saadaaliyay in kulankaan weyn uu ku dhamaan doono barbaro 1-1 ah isagoo yiri: “Manchester United ayaa ah kooxda fiican laakiin Liverpool ayaa faa’ido gurigeeda ah heysata waxaana ay ka caawin doontaa inay barbaro helaan.”

Isla maalinta Sabtida kooxda difaacaneysa horyaalka ee Chelsea ayaa u safri doonta kooxda kale ee reer London Crystal Palace, waxaana uu Merson saadaaliyay in Blues ay 1-0 ku badin doonto kulankaas.

Manchester City ayaa iyadana galabnimada Sabtida waxa ay garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweyn doontaa kooxda Stoke City waxaana uu Paul Merson uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay 3-0 ku badin doonto.

Habeenimada Sabtida kooxda Arsenal ayaa marti u ah kooxda Watford, waxaana uu Paul Merson saadaaliyay in kooxdiisa hore ee Gunners inay ku badin doonto 2-1.
SAADAASHA PAUL MERSON:

SABTI

Liverpool 1-1 Manchester United

Burnley 1-0 West Ham

Crystal Palace 0-1 Chelsea

Manchester City 3-0 Stoke City

Swansea 1-0 Huddersfield

Tottenham 3-0 Bournemouth

Watford 1-2 Arsenal

AXAD

Brighton 2-1 Everton

Southampton 2-0 Newcastle

ISNIIN

Leicester 2-0 West Brom

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook