Shacabka Bariire oo fariin lama filaan ah udiray DFS +COD

 

Shacabka deegaanka Bariire ee gobolka Sh/.Hoose ayaa dalbaday in loo ogolaado in deegaankaas ay kasoo rartaan reerahooda oo ay alaabtooda kasoo qaataan.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii deegaankaas uu noqday deegaan colaadeed oo ay adag tahay in shacabka ay ku noolaadaan

Qaar kamid ah odayaasha deegaanka ayaa ka dalbaday ciidamada dowlada in loo ogolaado iney alaabahooda ay ka qaataan halkaas.

“:Waxaan ka dalbaneynaa dowlada in naloo ogolaado in alaabteena aan halkaas kasoo baxsano”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha.

Deegaanka Bariire ayaa waxaa horey ugu soo barakacay dadkii daganaa kadib markii halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo dagaalyanahanada Shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook