Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka oo Is-casilay

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu xilka iska casilay Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid).

Istiqaaladda Jen. Cirfiid ayaa loo gudbiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo wararku sheegayaan inuu madaxweynaha aqbalay si-casiladda Taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaana maanta lagu ansixiyay Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya shirkoodii Khamiislaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka taliyaha ciidamada Xoogga dalka u magacaabay Gen. Cabdi Jaamac Warsame (Gorod), waxaana mudadda uu xilka hayay Jen. Cirfiid aya ahayd 6 bilood oo noqoneysa xilligii ugu yaraa ee taliye uu hayo xilkan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka oo Is-casilay”

  1. Waxaad tahay geesi waxaad leedahay sharaf. Maanad noqon faras qiimahuu lahaa quruxbuu ku doorsaday waxaba anfacimayso shacbiga soomaaliyeed dawlada Addis Ababa laga maamulo adiguna taariikhda baal dahaba ayaad uuge qorantahay hadii aad tahay Cirfiid. Kan kale ee kaa dambeeyana waxaan leeyahay ciyawgii waa ka bariyeye ninkii cunaybaa kaliite waxaadan qaadatay soor quureed waxaadna kaba qaad u noqotay kiwii kaba qaad kuu noqonlahaa. way fiicneed hadii aadan wadanka imaan oo aad London iska joogto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook