Waa Kuma Xiddiga Katirsan Real Madrid Ee Sirta Kooxdiisa Usoo Gudbiya Jose Mourinho?

Xiddiga Real Madrid Luka Modric oo uu hore macalin ugu soo noqday tababaraha Manchester United Jose Mourinho, ayaa la sheegay inuu siraha kooxdiisa ka dhisan La Liga la wadaago tababaraha reer Portugal.

Tababaraha Manchester United ayaa Jose Mourinho ayaa lasoo saxiixday Modric markii uu macalin u ahaa Real Madrid sannadkii 2012.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa si adag ku bilaawday nolosha Spain, isagoo noqday saxiixii ugu xumaa kooxda La Liga waqtigaas.

Laakiin tan iyo markii uu Mourinho ka tagay Real Madrid xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican kooxda ayuu kusoo baxay, isagoo Los Blancos ka caawiyay seddex jeer in ay ku guuleysato tartanka Champions League afartii sano ee lasoo dhaafay.

Diario Gol ayaa sheegay in Modric uu xiriir dhow la leeyahay Mourinho, inkastoo 54 jirkaan uu ka tagay Bernabeu afar sano ka hor.

Warbixin naxdin leh, ayaa shegeeysa in xiddigii hore ee Tottenham Spurs inuu xogta kooxdiisa la wadaago tababaraha Manchester United Jose Mourinho.

Real ayaa ku riyaaqday bilaw isku dhafan xilli ciyaareedka cusub, iyagoo ku guuleystay Super Cup Europe iyo Spanish Super Cup.

Zinedine Zidane kooxdiisa ayaa todobo dhibcood ka hooseysa kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona oo hogaamineysa horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan.

Waxaa la ogyahay in Red Devils xog ku aadan saxiixa xiddiga reer Wales Bale ka helaan Luke Modric oo katirsan Real Madrid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook